Sign in to follow this  
Deeq A.

Sare u kac xoogan oo ku yimid raashinka quutul daruuriga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi oo ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka dhalatay cudurka Covid-19, kaas oo sababay sare u kac ku yimid maciishada quutul daruuriga ah.

Mr. Raabi oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka dhawaajiyey in magaalooyinka dalka xilligaan laga dareemayo is-bedal ku yimid qiimaha raashinka iyo bagaashka, taas oo uu sheegay inay sameyn daran ku yeelatay dadka shacabka ah.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaliyeed inay u naxariistaan dadkooda, islamarkaana ay la qeybsadaan dhibaatada adag ee ay haatan wajahayaan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ay ganacsatada uga digtay inay macaash ka raadiyaan xaaladda lagu jiro.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Raabi.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this