Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Isbitaalka Martiini oo la sheegay in loo dhammaystiray Qalabkii Caafimaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Qalabkii caafimaad u dhammaystirtay isbitaalka Martiini si loogula tacaalo bukaannada qaba xanuunka COVID-19.

Dowladda ayaa sheegtay in ay qolalka xaaladda degdegga ah ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu adagtahay.

Sidoo kale waxay sheegtay in ay Isbitaalka ka hawlgelisay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19.

Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa xanuunka ka bogsooday dibna looga saaray waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo sida ay sheegtay dowladda.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Isbitaalka Martiini oo la sheegay in loo dhammaystiray Qalabkii Caafimaadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this