Sign in to follow this  
Deeq A.

Isu-socodka gaadiidka Laamiga Boosaaso oo saaka go’an

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaadiid wada dad ka soo xagaa baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka oo Arbaco ah ku xanniban nawaaxiga kantaroolka Koonfureed ee Boosaaso kadib markii ay go’day buundo halkaasi ku taallay.

Buundada ayaa go’day kadib markii daadad xooggan oo ka dhashay roobabka gu’ga ay ku soo rogmadeen degaanka islamarkaana buux dhaafiyeen togga ay saarantahay buundadaas go’day sida ay Puntland Post u sheegeen dad halkaasi ku xayiran.

Gaadiidka ayaa haatan labada dhinac kaga xanniban buundada go’an waxaana jirta in gaadiidka u badan ay ku xanniban yihiin dhinac Boosaaso xigta kuwaas oo ay saaran yihiin dad ka soo xagaa baxay gudaha Boosaaso.

3-11.jpg?w=1000&ssl=1 1-19.jpg?w=1000&ssl=1 2-12.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Isu-socodka gaadiidka Laamiga Boosaaso oo saaka go’an appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this