Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha Mareykanka ee hadduu geeriyoodo Kim Jong Un iyo gabadha beddeli karta

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay qorshe xooggan oo la xiriira Korea-da Waqooyi, kaasi oo ku talo-galaya musiibo bani’aadannimo oo dalkaas ka dhacday, haddii hoggaamiye Kim Jong Un uu geeriyoodo, waxaa sidaas weriyey taleefishinka Fox News.

Arirntan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan warar is-khilaafsan oo kasoo baxaya xaaladda caafimaad ee Kim.

Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan CNN iyo Bloomberg, oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha.

Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay, ayaga oo sheegay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi.

Wax ay ahaataba, Mareykanka ayaa u muuqda mid u diyaar garoobay xaalad kasta oo suurta-gal ah.

“Dowladda Mareykanka waxay mar hore dejisay qorshe xooggan oo la xiriira marka meesha uu ka baxo Kim, ayada oo xisaabta lagu darayo caqabadaha ka dhalan doona dhimashadiisa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka oo la hadlay Fox News.

Sarkaalkan ayaa sheegay inay kadib marka meesha uu ka baxo Kim ay dhibaato bani’aadannimo ka dhalan doonto Korea-da Waqooyi, ayada oo malaayiin qof ay wajihi doonaan macluul, islamarkaana malaayiin kale ay u qaxi doonaan Shiinaha.

Sarkaal sirdoon ayaa u sheegay Fox News in qeyb ka mid ah qorshahan uu si xooggan isugu haleynayo Shiinaha, si ay usoo faro-geliyaan gacanna uga gaystaan maareynta xaaladda gudaha Korea-da Waqooyi, sababo la xiriira u dhowaanshaha Shiinaha ee Korea-da Waqooyi, iyo dhibaatooyinka farsamo ee Mareykanka uu ka wajihi karo inuu gar-gaar bani’aadannimo siiyo dalkaas.

Inkasta oo Korea-da Waqooyi weli aysan shaacin cidda beddeli doonta, haddii uu geeriyoodo ama xaalad caafimaad darteed oo shaqeyn kari waayo, haddana khubarada ayaa rumeysan in walaashiid Kim Yo Jong ay noqon doonta hogaamiyaha cusub ee Korea-da Waqooyi, ugu yaraan muddada xaaladda kala-guurka ah.

Khubaro kale ayaa rumeysan in Korea-da Waqooyi ay si wadajir ah u maamuli doonaan hoggaanka ama dadka ugu xisbiga talada haya, si la mid ah Midowga Soviet kadib geeridii Stalin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this