Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’ad caalami ah oo warbixin kasoo saartey dhibaatada suxufiyiinta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in Soomaaliya wali safka hore uga jirtaa dalalka ugu halista badan ee Africa oo wariye uu ku shaqeeyo, iyadoo sanadkii 2019 lagu dilay 3 suxufi taasoo ka dhigaysa tirada guud ee lagu dilay dalka 50 wariye 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Khilaafaadka siyaasadeed iyo musuq-maasuqa ayaa wiiqay xoriyada saxaafadda, waxaana cadaadiska ay kala kulmaan suxufiyiinta dhinacyada isku haya wadanka.

Suxufiyiinta ka biyo diida in faaf lagu sameeyo wararkooda ayaa inta badan noqdo bartilmaameed, iyagoo la kulma dil, hanjabaad iyo xarig.

Sanadkii tagey, waxaa ka dhacay Soomaaliya 20 kiis oo la xiriira xarig xaruumo warbaahineed iyo suxufiyiin, oo intooda badan laga soo wariyay Puntland iyo Somaliland.

Inta badan wariyeyaasha marka la xiro waxaa lasoo taagoo maxkamado ku shaqeeya sharciyada dowladdii hore ee militeriga.

Sharciga saxaafadda ee uu meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku jira qodobo lagu caburinayo xoriyada saxaafadda iyo warbaahinta madaxbanaan.

Hadii uu saxiixo Madaxweyne Farmajo, waxuu sharcigan horseedi doonaa in lagu xad-gudbo saxaafadda xorta ah, oo mudo dheer lagula kacayay dhibaatooyin kala duwan.

Askari booliska Soomaaliya katirsan ayaa ku dilay Muqdisho July 2018 kaamira-maan, waxaana lagu xukumay isagoo maqane ah shan sano oo xabsi ah, isagoo aan wali lasoo xarin.

Labo askari ayaa laga saarey ciidanka xoogga kadib markii ay xireen labo suxufi, kadibna uga tagey wadada qarkeeda iyadoo garba-duub u xiran, oo xabadka dhulka u yaalla xili qorax kulul jirto wadada Makka Al-Mukaram.

Dhacdadan waxay ahayd midii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka dhacda Soomaaliya.

“Soomaaliya kaalin hore bey kaga jirtaa liiska dalalka lagu dhibaateeyo suxufiyiinta, balse waxaa jira tallaabooyin wanaagsan oo la qaadey oo xaaladda wariyeyaasha ku shaqeeyaan wax looga qabanayo,” ayuu yiri Arnaud Froger, oo ah madaxa qeybta Africa u qaabilsan wariyeyaasha aan xuduuda lahayn.

Arnaud Froger ayaa intaasi ku daray in sanadkii tagey oo kaliya Soomaaliya lagu xiray 25 suxufi, oo badankooda la dhigay xabsiyo ku yaalla maamulada Puntland iyo Somaliland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this