Sign in to follow this  
Deeq A.

Bukaankii u horreeyay ee looga shakisanyahay COVID-19 oo Puntland ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa Caawa shaacisay in bukaan looga shakisanaa  xanuunka COVID-19 oo karantiilnaa uu maanta geeriyooday balse weli la sugayo natiijada baaritaan lagu sameeyay si loo xaqiijiyo in uu cudurkaas u dhintay iyo in kale.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in bukaankaas geeriyooday weli la sugayo natiijada baaritaankiisa balse lama sheegin magaalada uu ku geeriyooday.

Sidoo kale guddiga ayaa tilmaamay in maanta oo keliya la karantiilay sagaal ruux oo looga shakiyay xanuunka COVID-19 kuwaas oo baaritaan laga qaadi doono si loo xaqiijiyo in ay cudurka qabaan inkastoo aan la xusin halka ay ku kala sugan yihiin bukaannadaas.

Guddiga ayaa ugu baaqay bukaannada karantiilan in aysan guryahooda ka soo bixin inta ay ka bogsanayaan oo laga baxnaaninayo xaaladooda caafimaad si looga hortago in xanuunka Coronavirus bulshada ku dhex faafo.

Puntland.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Bukaankii u horreeyay ee looga shakisanyahay COVID-19 oo Puntland ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this