Sign in to follow this  
Deeq A.

Galka Baarista oo shaaca ka qaaday xogta garoonka Baraawe ee dhismihiisu ay fadeexadda ka dhalatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) -Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA ayaa lagu soo bandhigay baaritaan ku aadan dhismihii garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe oo dhaliyey hadal heyn badan.

Garoonkaas waxaa dhismihiisa xarigga laga jaray 10-kii bishii lasoo dhaafay ee Maarso, waxaana ku baxday lacag dhan 4.3 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.

Hase yeeshee muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday ayaa muujiyey in lacagta ku baxday dhismaha oo ahayd 4.3 milyan lagu dhisi karay garoon ka tayo fiican  midkan, oo dhabihiisa diyaaradaha ay ku ordaan uu noqon karay mid laami ah.

Sidoo kale roob halkaas ka da’ay maalmo yar un kadib markii la furay garoonka waxa uu burburiyey qeyb kamid ah, balse maamulka degmada Baraawe iyo hey’adihii maalgeliyaba, waxay ku adkeysteen in dhulka uu burburiyey roobkaas uusan ka tirsaneyn qeybaha la dhisay ee garoonka.

Garoonka magaalada Baraawe waxaa maal gelisay hey’adda Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya, taas oo ay ku mideysanyihiin hey’ado iyo dowlado deeqda bixiya.

Doorka maamulka Koonfur Galbeed uga soo aaday dhismaha garoonkaas waxaa lagu sheegay in uu ahaa inay keenaan halkii laga dhisi lahaa oo kaliya.

Caqabadaha ugu badan dhismaha garoonka Baraawe waxa ay kasoo wajaheen ururka Al-Shabaab oo diidanaa sida la sheegay in Baraawe garoon laga dhiso iyo inay caasimad u noqoto Koonfur Galbeed.

Barnaamijkan waxaa shaaca looga qaaday in Al-Shabaab oo Baraawe laga saaray Sebtember 2014-kii ay weerarro joogto ah ku hayeen howsha dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe.

Nuur Cali Buubaal oo ah maamulaha guud ee shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha garoonka Baraawe ayaa barnaamijka Galka Baarista u sheegay inay weli ku suganyihiin Baraawe, taasina ay ka mid aheyd heshiiskii la galay.

Sababta ay weli u joogaan halkaas maadaama uu dhamaaday dhismihii garoonka Nuur waxa uu ku sheegay inay tahay xaqiijinta in aysan cilado ka imaan dhismihii lagu sameeyey garoonka, sida in aysan degin ama burburin biyaha kasoo hoora roobka.

Halkan ka dhageyso barnaamijka oo dhan

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/e8668226-8ded-4c48-887c-cddd407db914_48k.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this