Deeq A. Posted April 21, 2020 Garowe (SMN) – Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga fayruska Corona ayaa xaqiijiyey in uu dhintay qof ay kaga shakiyeen cudurkaas. Warbixintooda maalinlaha ee 21-ka April sanadka 2020 ayay ku sheegeen in aysan wali xaqiijin hadii qofkaas uu qabo Covid-19. Natiijada baaritaankiisa ayay tilmaameen in ay dhowaan heli doonan maadaama ay ku maqan tahay baaritaanka wadanka Kenya. Dhanka kale, guddiga wuxuu xaqiijiyey in ay maanta karantiileen sagaal qof oo ay ka baarayaan caabuqaas dilaaga ah. Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee dadka lagu tuhmay Corona ee ku sugan degaanada Puntland ay haatan mareyso 15. Dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay xaqiijisay kiiskii koowaad ee Coronavirus, waxaana laga helay muwaadin aan safar dibada ah gelin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites