Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix qof oo horleh oo dalka ugu dhintay Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay korortay tiradda kiisaska iyo dhimashada ee Coronavirus.

Warbixin kasoo baxday guddiga ka hortagga ee heerka qaran ayaa lagu xaqiijiyey lix qof oo cusub oo u dhintay cudurka.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyey 49 kiis cusub oo ah cudurka Covid-19, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 286 kiis.

“49 qof ayaa maanta laga helay xanuunka COVID-19. Waxaa u geeriyootay 6 ruux waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin u dhimata cudurka. 2 qof ayaa ka bogsootay,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Fahfaahinta hoos ka eeg

Image may contain: text

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this