Deeq A. Posted April 21, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kala hadlay kuna dhaliilay caburinta ay xukuumaddisu ku heyso Suxufiyiinta Soomaaliyeed. Safiirka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu kulankaas ku dhex maray qaab Online ah, waxuuna Danjire Nicolas kula taliyey xukuumadda Soomaaliya in aysan xal aheyn caburinta ay ku heyso kuwii xaqiiqada jirta bulshada u soo gudbiya. Qoraal Nicolas Berlanga safiirka Midowga Yurub uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kadib kulankii dhex maray wakiilada beesha caalamka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu ku sheegay in hadallada xanafta leh ee saxaafadda ay yihiin qeyb ka mid ah dimuqraadiyadda. “Cambaareynta waa qeyb ka mid ah hannaanka dimuqraadiyadda, xadeynta xoriyadda hadalku ma noqon karto cudur kale oo faafa, haddii saxafiyiintu dayacaan macluumaadka, xabsi ama xiritaanku xal ma ahan,” ayuu yiri Nicolas Berlanga Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya. PM Khaire VTC with International Community, EU message: “criticism is part of the democratic process. Limitation of Freedom of Expression cannot become another pandemic. If journalists neglect information, prison or detention is not an option” pic.twitter.com/DRw8sTjmOd — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) April 21, 2020 Halkan kasoo yeeray beesha caalamka ee lagu dhaleeceeyey caburinta ay weriyaasha Soomaaliyeed kala kulmayaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku soo aadaya iyadoo mudo ku dhaw laba bilood uu Weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur ‘Abuuja’ u xiranyahay madaxda dowladda, isagoo aan helin wax cadaalad ah. Shalay oo ugu dambeysay waxaa magaalada Baydhaba lagu xiray Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ka howlgala Idaacadda VOA laanteeda af-Soomaaliga. Sidoo kale intii ay jirtay dowladan uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxaa caadi noqotay caburinta iyo caga jugleynta saxaafadda Soomaaliya, waxaana jira weriyaal badan oo dowladan ay ku canaaday xoriyadda hadalka, qaar ayaa dalka iskaga tegay, qaar ayaa xiran, halka inta kalena loo caga jugleeyo. Share this post Link to post Share on other sites