Sign in to follow this  
Deeq A.

Tacsi Madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

 

 

 

Taariikh: 21/04/2020

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/04/2020, dalka Ingiriiska.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golayaasha degaanka ee dalka, gaar ahaana golaha deegaanka ee gabiley oo marxuumadu ka mid ahayd, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska reer Maax Cilmi, meel ay kala joogaanba.

 

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this