Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Hormuud telecom foundation oo deeq gaarsiisay dad danyar ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Deeqdan ayaa Hay’adda Hormuud telecom foundation waxay maanta u qeybisay ilaa 10,000 qoys oo ka mid ah Qoysaska Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degaanka Tareedisho [km13].

Qeybinta Deeqdan ayaa waxay horudhac u tahay Barnaamijka Taakuleynta Dadka danyar ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay Caawinaada u sameyso Hay’adda Hormuud telecom foundation .

Sidoo kale Hay’adda Hormuud telecom foundation ayaa deeqdan waxay ugu talagashay in ay ka faa’ideystaan Dadka nugul ee aan awoodin inay helaan waxyaabaha Aas Aasiga ah ee nolosha looga maarmin.

Qaar ka mid ah Dadka la siiyay deeqdan oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahad celiyay Madaxda ugu sareysay Hay’adda Hormuud telecom foundation iyagoo sheegay in qeybinta deeqdan lagu soo beegay xiligii ay u baahnaayeen Madaama ay ku jiraan Diyaargarowga Fadliga Bisha Barakeysan oo Fooda nagu soo heysa.

Cabdulahi Nuur Cismaan, Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Foundation ayaa warbaahinta u sheegay in barnaamijkan uu daah fur u yahay Deeq noocaan oo kale oo maalmahan soo socda la siin doono dadka u baahan gar gaarka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda Hormud Foundation waxaa uu sheegay in kaalmooyinka noocaan ah ay ugu talagaleen dadka soomaaliyeed in ay si weyn uga faa’ideystaan Gudashada Fadliga Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sanad Walba Marka la gaasha bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa sidan oo kale Hay’adda hormuud Foundation waxay Caawinaad u sameysa dadka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan gobolada Dalka oo dhan.

1 2 3 4 5 6 8 9

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this