Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriyaasha Soomaaliyeed oo XAALAD adag wajahaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay waxaa sii xoogeestay caburinta ay weriyaasha kala kulmayaan dowladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira qaarkood.

Weriyaal badan ayaa muddo ka yar 60 cesho loo geestay jirdil, xarig, hanjabaad iyo cabsi gelin waxayna weriyaashaan kala joogaan magaalooyinka kala ah Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Jowhar.

Weriyaasha magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatada kala kulma ciidamada ammaanka, waxaana wali xabsiyada ku jira weriyaal aan wali maxkamad la soo taagin islamarkaana aan la ogeyn dambiyada loo heesto.

Qaar kale ayaa sidoo kale lasii daayey kadib maalmo la hayey, halka qaarna si kooban inta loo xiro isla maalinkiiba lasii daayo.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu xiro weriye ama lagu dhibaateeyo ayaa muddo 24 saac gudahood ah waxay ka kala dhaceen Muqdisho iyo Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa ku xiran weriyihii VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh, halka Muqdisho 46 cesho uu ku xiran yahay Weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja.

Waxaa sidoo kale saddex maalmood ka hor lasii daayey tifaftiraha warbaahinta Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Sidoo kale Gaalkacyo iyo magaalooyin kale ayaa kamid ah meelaha lagu dhibaateeyo saxafiyiinta Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa u muuqata mid ka sii dareysa waxaana sii kordhaya cabsida saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya horey loogu eedeeyey caburinta saxaafadda, haddana waxaa muuqata in ayada iyo maamul goboleedyada taageersan ay bilihii dhowaa laba-laabeen beegsiga suxufiyiinta.

Ma cadda sababta xilliga kordhisay beegsiga, hase yeeshee dadka qaar ayaa ku macneeyey in la doonayo in lasii aamusiyo saxaafadda ka hor doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan bilaha soo socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this