Deeq A. Posted April 21, 2020 Wasaarada caafimaadka Giriiga ayaa xaqiijisay in dadkii ugu dambeeyay ee uu soo ritay cudurka Corona ay ka mid noqotay haweeney Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalkaas. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in haweeneydaasi oo 28 jir ah laga helay cudurka COVID-19 ,kadib markii lagu sameeyey baaritaano dheeraad ah. Haweeneyda Soomaalida ah ayaan la shaacin magaceeda, balse wasaaradda caafimaadka wadanka Giriiga ayaa laga soo xiganayaa in ay sababo kale u tagtay isbitaalka Nafplio ee dalkaasi, kadibna laga baaray cudurka Coronavirus ee laga helay. Saraakiisha wasaaradda ayaa sidoo kale tilmaamay in haweeneydaasi Soomaalida ah ay ka mid noqotay boqolaal ruux oo kale oo 24-kii saac ee la soo dhaafay laga helay cudurka kuwaas oo qaxooti ku ah xero ku taalla jasiirad dhacda waqooyiga dalkaasi. Si kastaba ha’ahaatee boqolaal Soomaali ah oo inta badan ka tegay dalka Turkiga ayaa qaxooti ku ah jasiirado ku yaalla Giriiga, waxaana horay looga digay saameynta dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ay ku jiraan uu ku yeelan karo cudurka faafa ee Covid-19. View the full article Share this post Link to post Share on other sites