Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta  lagula eegtay deegaanka Muuri oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa oo miino ahaa uu haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamadaas, kuwaasi oo xilligaa marayey bariga deegaankaasi.

Lama oga inta uu la egyahya khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada qaraxa miino lala bartilmaameedsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la weeraray ay ka yimaadeen dhanka magaalada Muqdisho, kuna sii jeedeen deegaanka Number 50 ee gobolka ee isla Sh/Hoose.

Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga gooshayaan koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this