Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo u jawaabay Siciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi ayaa ka jawaabay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ee ahaa in ganacsatada maamulkaas aysan raashin ama badeeco geyn karin meelaha ka baxsan Puntland, sida Galmudug iyo HirShabelle.

Guddoomiyaha oo si adag uga hadlay arrintaasi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, islamarkaana wuxuu sheegay inay abuureyso cadawaad bulsho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka Puntland iyo kuwa gobollada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi iyo mid bulsho intaba.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in aysan kala maarmin dadka Soomaaliyeed, isagoona ugu baaay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni inuu ka laabto go’aankaasi.

Jeyte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in gobolka Hiiraan looga qaado Puntland Qudaar, xoolaha nool iyo adeegyo kale, islamarkaana ay canshuurta ku kordhin doonaan badeecooyinkaasi, haddii maamulka Garoowe uusan ka laaban tallaabadaas.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Soomaaliya uu fara ba’an ku hayo cudurka dilaaga ah ee COVID-19, kaas oo sababay in la joojiyo isku socodka magaalooyinka iyo isu-imaatinada dadweynaha, si loo xakameeyo  cudurkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this