Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo sheegtay in Taageerada ay Soomaaliya siiso u weecinayso La tacaalidda COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan oo yeeshay kulan dhanka mareegta Interneetka ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya marayo, gaar ahaan arrimaha la tacaalidda Xanuunka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in mudane Khayre uu mas’uuliyiinta kulanka qaybta ka ahaa ku war geliyay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa safiirrada u sheegay in la joogo xilligii caawinta baahida ugu badan loo qabay, ayna muhiim tahay in sida ugu dhaqsaha badan dowlad gobaleedyada dalka looga dhiso min hal Isbitaal oo awood u leh la tacaaliida bukaannada uu haleelo COVID-19.

Safiirrada iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee ku wajahan la tacaalidda xanuunka Coronavirus ayaa ballan qaaday in dhammaan qorshayaashii howl-gallooda dalka ay u weecinayaan xakameynta COVID-19 iyo caawinta qoysaska danta yar ee Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Beesha caalamka oo sheegtay in Taageerada ay Soomaaliya siiso u weecinayso La tacaalidda COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this