Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug, Naciimo Maxamed Catoosh ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeeyey ee cudurka halista badan Covid-19 laga helay deegaanada maamulkaasi.

Wasiirada ayaa sheegtay in qofka laga helay xanuunka haatan lagu hayo isbitaalka weyn ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale Naciimo Maxamed Catoosh ayaa carabka ku dhufatay inay jiraan dad kale oo looga shakiyey cudurka Coronavirus, kuwaas oo ay shaacisay nay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq oo hoostaga maamulkaasi.

Wasiir Naciimo ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen isbitaal haddii ay xaalado soo baxaan lagu daaweeyo.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanada Galmudug inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu marba marka ka dambeyso cudurka Covid-19 uu ku sii baahayo gudaha dalka, kaas oo kiisas ugu badan laga helay Muqdisho.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa illaa iyo hadda shaacisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, iyadoo dhimashaduna ay mareyso 8 ruux.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this