Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-rasaaseyn xoogan oo xalay ka dhacday M/ Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad khasaare geystay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Is-rasaaseynta oo u dhexeysay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa waxaa ku dhintay hal askari, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay is-rasaaseynta dhex-martay ciidamadaasi oo ku soo aadeysa, xilli bandow habeenkii ah uu ka dhaqan-galay magalaadaasi.

Sidoo kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Puntland oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this