Deeq A. Posted April 21, 2020 Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka. Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir. Cumar Filish oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ololaha uu socon doono illaa laga adkaanayo kiisaska cudurka Coronavirus ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Muqdisho ay la mid tahay magaalooyinka kale ee caalamka ee uu ka socdo ololaha lagula dagaalamayo cudurka Covid-19. Muqdisho ayaa ah meesha ugu badan ee laga diiwaan-geliyey kiisaska Coronavirus, iyadoona haatan tirada guud ay mareyso illaa 237 ruux oo ku jira xaalad karantiil ah. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites