Deeq A. Posted April 21, 2020 Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jedinayo beelo walaalo ah oo saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay qeybo kamid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Senator Nuuro Faarax Jaamac oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi siisay Shabelle ayaa ugu baaqday maleeshiyaadka diriraya inay xabada joojiyaan, islamarkaana ay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in waqtiga haatan lagu jiro aysan habooneen in dagaalladu ay sii socdaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cc-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites