Deeq A. Posted April 21, 2020 Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey rag hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay gudaha degmadaasi. Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in kooxda dilka fulisay ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay ay ku raad-joogaan, sida ay hadalka u dhigeen. Al-Shabaab ayaa intra badan weeraro gaadmo ah ka fuliya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites