Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Magaalada Muqdisho oo lagu buufiyey sun looga hortagayo CORONAVIRUS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay waddooyinka iyo suuqyada qaar ee magaalada Muqdisho ku buufiyey sunta looga hortago faafista cudurka halista badan ee Coronavirus, iyadoona uu ololahaan daah-furay Cumar Filish.

Maamulka gobolka ayaa arrintaan u adeegsaday booyado gaar ah oo sunta laga soo buuxiyey, si looga hortago Feyruska sababa xannuunka Corona.

Guddoomiye Filish oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ololaha uu socon doono illaa laga adkaanayo kiisaska cudurka Coronavirus ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la gaarsiin doono dhammaan xaafadaha kale ee caasimadda iyo goobaha kale ee muhiimka ee dadka isugu tagaan.

Filisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Muqdisho ay la mid tahay magaalooyinka kale ee caalamka ee uu ka socdo ololaha lagula dagaalamayo cudurka Covid-19.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan xakameynta cudurkaan, una hoggaansaman awaamiirta dowladda.

Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey Coronavirus, iyadoo laga diiwaan-geliyey illaa 237 kiis, waana tirada ugu badan ee guud ahaan Soomaaliya.

Buufinta-Caasimadda-696x464-1.jpg 93411673_2555297134709030_55905445587955 93515586_2555296548042422_52451596741514 93844133_2555296624709081_39513171271719 B-3-750x430-1.jpg

 

 

 

.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this