Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare KHAYRE oo hal arrin ka dalbaday Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho(Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa faah faahin ka bixiyey wadahadal qadka taleefanka ah oo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov.

Khaye ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay Ruushka ka dalbatay inay ka gacan siiyo la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Sergey Lavrov kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

“Waxaan wada-hadal muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo Covid19.” ayaa qoraalkiisa ku yiri R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

FB_IMG_1587449780558.jpg

Ruushka ayaa la filayaaa inuu ka jawaabo codsiga Khayre, islamarkaana uu Soomaaliya u soo diro qalab caafimaad iyo dhaqaatiir ka qeyb qaadata xakameynta Covid-19.

Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa illaa hadda waxaa la diiwaan-geliyey illaa 237 qof oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this