Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal mashiin oksajiin bixiye ah oo ka dhaxeeya shacabka ku nool Muqdisho oo dhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka gobalka Banaadir oo dhan waxaa ka dhaxeeya hal machiin oo ah nooca laga qatao oksajiinta (Ventilator) oo ay dowladda heyso, kadib markii laga joojiyay Isbitaalada gaarka loo leeyahay qaabilaadda dadka u baahan Oksajiin.

Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaa waxaa ku ogaanay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay maamullada Isbitaalada gaarka loo leeyahay ku amartay in aysan qaabili karin bukaan neeftu ku dhegtay oo u baahan Oksajiin, hadii ay qaabilaan-na lagala noqon doono ruqsada shaqada.

Dhamaan Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa fuliyay amarkaan waxaana durba laga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo ay dadku ku dhiban yihiin halka Oksajiin ee yaala Martiini kaas oo dadka kaafin karin.

Sababta looga joojiyay ayaa lagu sheegay in dadka ay neeftu qabato ama u baahan Oksajiin ay soo maaraan hubin ku saabsan in ay qabaan Covid-19, maadaama neef qabatintu ay qeyb weyn ka tahay calaamadaha Covid-19 sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda.

Arrintan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in qof qaba COVID-19 uu ayada oo aan laga war-hayn cudurka ku faafiyo isbitaallada gaarka loo leeyahay.

Haddii ay go’aankaas u hogaasameen Isbitaaladii Muqdisho waxaa durba si weyn banaanka u timid in aysan dowladda Soomaaliya awoodin in ay baahidaasi qeyb yar oo kamid ah daboosho.

Boqolaal shacab ah oo u baahan Oksajiin ayaa saacadihii la soo dhaafay wajahay xaalado adag halka qaarkoodna ay u dhinteen Oksajiin la’aan sida ay noo sheegeen dhaqaatiir iyo xubno qoysaska kamid ah.

Maadaama aysan dowladda Soomaaliya awoodin in ay kaafiso baahida caafimaad ee dalka ka jirta maxaa diidaya in Isbitaalada loo fasaxo ama la kordhiyo qalabka Oksajiinka si loo badbaadiyo nolasha dad badan? waa su’aal ay is weydiinayaan dadka Muqdisho.

Hadda, hadii aad habeen u baahato Oksajiin haba-yaraatee rajo kama qabtid inaa hesho, haddii aad u baahato maalin-na waxay u baadan tahay 60% in aadan helin maadaama dowladda kaliya ay heysato hal Oksajiin oo yaala Martiina kaas oo kaafin karin dadka u baahan caawinta neefta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this