Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in kiisaskii ugu badnaa COVID-19 laga helay dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo xalay warbixin horleh ka soo saartay Xanuunka Covid 19, ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee dalka laga diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood.

Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay, in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyay 73 bukaan oo qaba xanuunka Coronavirus,  kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badnayd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka.

51 kamid ah 73 bukaan ee laga helay xanuunkaas waa lab, halka 22-ka kalena ay dhadig yihiin, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyay COVID-19 ay gaartay 237 xaaladood sida wasaaraddu sheegtay.

Sidoo kale, warbixinta Wasaaradda waxaa lagu sheegay in 24-saac ee la soo dhaafay xanuunka COVID-19 uu ka bogsaday hal qof mid kalena u dhintay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in kiisaskii ugu badnaa COVID-19 laga helay dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this