Sign in to follow this  
Cowke

Garowe: Teachers Graduatation Ceremony

Recommended Posts

Cowke   

dscn24441.jpg

dscn2445.jpg

dscn2446.jpg

 

 

Abdulkadir Warsame Yuusuf

RBC Radio,Garoowe

 

Garoowe (RBC):- Xaflad balaaran oo qalin jabin ah ayaa galabtay ka dhacday xarunta Jaamacada GTEC ee Magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

 

Xafladan oo ahayd mid qalin jabin ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed ,Duqa degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi, Salaadiin,Aqoonyahano ,Marti sharaf ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah sida DIAKONIA iyo kuwo kale, waxaa kale oo joogay arday faro badan oo dhigta Jaamacada GTEC.

 

Munaasibadan Qalin jabinta ah ayaa waxaa ka Hadley Masuuliyiin kala duwan, waxaana ay dhamaantood ka hadleen sida loogu baahan yahay in la helo Macalimiin tabobaran oo wax ka dhigta Iskuulada wadanka, maadaama ay gaboobeen Macalimiintii hore oo macalin la’aan weyna ay jirto.

 

Anders Lygdman oo ka mid ahaa Marti sharaftii hay’adaha caalamiga ah , ayaa u mahadceliyay Jaamacada Tabobarka macalimiinta ee GTEC, sidoo kale waxaa uu u hanbalyeeyay Macalimiinta qalinjabisay, isagoo ka codsaday inay waxa ay barteen ay u gudbiyaan umadda.

 

Dr.Marla Stone oo iyana ku hadlaysay magaca hay’adaha caalamiga ah ayaa iyana sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay kala qaybgasho Jaamacada GTEC xaflada balaaran ee ay shahaadooyinka ku gudoonsiinayso Macalimiinta dhamaystay Tabobarkii Jaamacadu siinaysay.

 

Haweenaydan waxay sheegtay inay 30 sano macalimad soo ahayd, sanadkii 31-naadna ay GTEC kala qaybgashay xaflada balaaran ee ay ardayda Macalimiinta ah ku qalan jabiyeen, waxay u hanbalyaysay macalimiinta cusub, waxayna u sheegtay in looga baahan yahay door weyn inay ka cayaaraan kor u qaadista waxbarashada Puntland.

 

Madaxa Jaamacada GTEC Dr.C/risaaq Shiikh Axmed Shoole oo munaasibadan ka hadlay , ayaa ka warbixiyay hawlaha Jaamacadu qabato iyo waqtigii la furey, wuxuuna sheegay in Jaamacada Tobarka macalimiinta ee GTEC la furey bishii November 2005-tii waxaana markaas lagu furey ardey badan, kuwaas oo loo tabobarayay Macalinimo, waqtigaas ayuuna sheegay in baahi weyn loo qabay in la helo Jaamacad soo saarta Macalimiin cusub oo bulshada waxbarta.

 

Jaamacada ayaa dufcadii u horeysay waxaa ka baxay 26- ardey [14-wiil iyo 12 gabdhood], dufcada labaadna waxaa qalin jabisay 46 marka la isku daro labada dufcadood ayuu sheegay inay yihiin 72 macalin.

 

Macalimiintan qalin jabisay ayaana loo tabobarayay inay wax ka dhigaan dugsiyada hoose dhexe.

 

Dr.Shoole waxaa uu sheegay in Jaamacadu ay ku talaabsatay hormar balaaran intii ay furnayd, Macalimiintan ayaana la siinayay shahaada Dibloma.

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo isna ka Hadley munaasibadan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu ka qaybgalo xaflad macalimiin qalin jabisay Shahaadooyin lagu gudoonsiinayo, waxaana uu amaanay Jaamacada GTEC oo uu sheegay inay wado barnaamij waxtar u leh Umadda reer Puntland.

 

Wasiirku waxaa uu tilaamay in dalku u baahan yahay in loo soo saaro Macalimiin caruurta wax barta, isagoo sheegay in Wasaaradiisu baahi weyn u qabto in la helo Macalimiin dhalinyaro ah oo aqoon leh, waxaa uu ku booriyay Jaamacada GTEC inay badiso dadaalkeeda ku wajahan soo saarista Macalimiinta.

 

Mr.Juxa waxaa uu u hanbalyeeyey Macalimiinta cusub ee ka qalin jabisay Jaamacada tabobarka Macalimiinta ee GTEC, isagoona ka codsaday macalimiintan cusub in dalku u baahan yahay oo ay wax ka dhigaan dugsiyada waxbarashada si loo helo ardey tayo leh, waxaa uu sheegay in ay tahay wax lagu farxo in Puntland ardeydeedu helaan Macalimiin tayo leh oo dalkooda gudihiisa wax ku barta, amaantaasna waxaa uu dusha uga tuurey Jaamacada GTEC oo iyadu dadaalkaas iska leh, Wasiirku waxaa uu sheegay in aan la helin 19 sano ee dalka Soomaaliya burbursan yahay macalimiin dhalinyaro ah oo Puntland gudaheeda wax ku barta oo dugsiyada wax ka dhiga, Macalimiintii hore ayuu sheegay inay gaboobeen intoodii badneyd oo aysan waliba dalka intoodii badneyd ku sugnayn.

 

Duqa Caasimada Garowe C/casiis Nuur Cilmi oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo macalimiin tayo leh oo dadkooda wax bara, macalimiinta cusub ayaana waxaa u sheegay in hawl weyn ay hortaalo loona baahan yahay inay kasoo baxaan hawsha hortaala , duqu waxaa uu sheegay in macalimiintan dalku u baahan yahay, isagoo ka codsaday in wixii ay barteen aysan guri iskala fariisane ay dadka uga faa’ideeyaan , waxaana uu duqu kusoo gabobabeeyay in macalimiintan Puntland loo tabobaray loona baahan yahay inay ka qaybqaataan waxbarashada.

 

Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay oo dadkii kasoo qaybgalayna lagu qiyaasi karayay ku dhawaad 1000, ayaa gabogabadeedii waxaa Shahaadooyinkii lagu gudoonsiiyay macalimiintii Jaamacada GTEC ay soo saartey, waxaana shahaadooyinka gudoonsiinayay Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa.

 

Sidoo kale Xubno faro badan ayaa la gudoonsiiyay Abaal marino khaas ah, Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa la gudoonsiiyay Qariidada Africa oo qalin ah , sidoo kale ayaa Wasiirka la gudoonsiiyay abaal marin qurux badan oo isaga u khaas ahayd, taasna uu ku mutaystay dadaalka badan ee uu wasaaradiisa ka sameeyay.

 

Sidoo kale waxaa la gudoon siiyay abaalmarinada xubnaha ka socday Hay’adaha Caalamiga ah qaarkood, waxayna dhamaan xubnahaas ay gudoomeen abaalmarinada Jaamacadu bixinaysay.

 

Macalimiinta Cusub ee qalin jabisay ayaa kuwooda ugu horeeyay waxaa la siiyay abaalmarino ay kala bixiyeen Shirkadaha Telefoonada ee GOLIS iyo TELCOM Puntland.

 

Ugu danbeyntii ayaa xaflada waxaa soo xiray Suldaan Siciid Maxamed Garaase, waxuuna ka jeediyay halkaas hadal kooban oo duco iyo dardaaran isugu jiray.

 

Suldaanku waxa uu ka Hadley faa’idada waxbarashadu leedahay iyo sida Puntland ugu baahan tahay dhalinyaro aqoonyahano ah oo dalkooda dhibka ka saara.

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in macalimiintan cusub ay qayb lixaad leh ka gaystaan waxbarista ubadka, Suldaanku waxaa uu tilmaamay in ay tahay wax lagu farxo in Puntland ay iyadu soo saarato Macalimiinteeda, isagoo sheegay in dhibaato xoog leh ay ka jirtay xagga macalimiinta maadaama dalku burburey, waxaa uu ilaahay umada uga baryay in dhibka uu ka saaro, isagoo umadana ka codsaday inay nabada iyo hormarka ka Puntland ka shaqeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

maasha allah ilaaho u gargaar oona ka dhig kuwii wax kusoo saa idiyo umadeena somali....

 

halkood xitaa ma qoslooyo oo ilko cadeeneeyo laakiin maxaa waaye?

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this