Sign in to follow this  
Deeq A.

Qiimaha shidaalka gudaha Mareykanka oo markii ugu horreysay taariikhda ka hoos maray $0 barmiilkii

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Qiimaha Saliidda cayriin ee Mareykanka ayaa markii ugu horreysay taariikhda waxa uu maanta ka hoos maray $0 barmiilkii, kadib markii keydadka shidaalka ay buuxsameen.

Halkii barmiil ee saaliida cayriin ah ayaa qiimihuus noqday -40.23 dollar, taasi oo ah heerkii ugu hooseeyey tan iyo sanaddii 1983-kii, markaasi oo suuqa saamiyadda saliidda ee NYMEX uu billaabay ganacsiga.

Qiimaha ayaa saaka ku furmay 20.3 oo dollar barmiilkiiba, wuxuuna hoos u dhacay illaa heer uu ka hoos maro $0 barmiilkii.

In qiimaha halkii barmiil ee saliidda cayriin uu ka hoos maray $0, oo uu yahay -40.23 dollar, ayaa macnaheedu waxa uu yahay in shirkadaha ay lacag ku bixinayaan in laga qaado saliida cayriin, maadaama aysan hayn meel ay ku keediyaan.

Qiimo dhaca shidaalka ayaa sidoo kale saameyn xooggan ku yeeshay suuqa saamiyadda New York, ayada oo suuqa Dow Jones ee 30-ka shirkad ee ugu weyn Mareykanka uu hoos u dhacay 3% marka aan warkan qoreyno.

Dalabka saliida cayriin ayaa gebi ahaanba la waayey, taasi oo abuurtay balaayiin dollar oo saliid cayriin ah oo cid iibsata la waayey, ayada oo aysan jirin gawaaridii la kaxeen jiray maadaama dadka ay guryahooda ugu jiraan sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Ka sokow dhibaatada Coronavirus, suuqa saliidda ayaa waxaa si xooggan u saameeyey dagaalka shidaalka ee ka dhex oogan Sacuudiga iyo Ruushka, kuwaas oo ayaga oo isku xumeynaya suuqa saliidda kusoo qufay saliid badan, si ay u qiimo tiraan, taasi oo dhaawac gaarsiisay shirkadaha Mareykanka.

Sacuudiga oo ka mid ah ururka OPEC iyo Ruushka ayaa heshiis gaaray 12-kii April, si arrintan wax looga qabto, hase yeeshee waxaa la sheegay in dhimista wax soo saar oo ay gaareen aysan ku filneyneyn inay ka hortagto burburka ku yimida suuqa saliida Mareykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this