Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahin ku saabsan xariga gudoomiyah Shibis

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed, ayaa eryay gudoomiyihii degmada Shibis.

Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa sidoo kale xabsi loo taxaabay kadib markii xilka ka qaadista lagu sameeyay, sidda ay xaqiijiyeen xubno kala duwan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Cumar Filish ayaa la xiriiriyey Cabdiraxmaan falal musuqmaasuq, sidda hadalka loo dhigay.

“Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali waxaana lagu xiray xarunta C.I.D si baaris loogu sameeyo falal la xariira musuq-maasuq,” ayuu u qornaa qoraalka duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo ku xiran  xarunta Dambi Baarista CID, ayaa warku intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaanno la xirira  wax,isdaba-marin ka dhalatay amar degmadaasi  ay ku soo rogtay guryaha oo ku aadan warqad diiwaangelin ah oo guri kasta la sheegay in lagaga qaadaayey  lacag sharci darro ah,

Tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen maamulka degmada Shibis ayaa  xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis maadaama  aysan ka warqabin ama la socon Maamulka Gobolka Banaadir oo xaq u lahaa in la ogeeysiiyo haddii lacag laga qaadaayo dadka dagan degmada.

Wararka Maanta: Isniin, Apr 20, 2020-Guddoomiyaha dagmada Shibbis ...

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this