Deeq A. Posted April 20, 2020 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed, ayaa eryay gudoomiyihii degmada Shibis. Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa sidoo kale xabsi loo taxaabay kadib markii xilka ka qaadista lagu sameeyay, sidda ay xaqiijiyeen xubno kala duwan. Qoraal kasoo baxay xafiiska Cumar Filish ayaa la xiriiriyey Cabdiraxmaan falal musuqmaasuq, sidda hadalka loo dhigay. “Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali waxaana lagu xiray xarunta C.I.D si baaris loogu sameeyo falal la xariira musuq-maasuq,” ayuu u qornaa qoraalka duqa magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo ku xiran xarunta Dambi Baarista CID, ayaa warku intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaanno la xirira wax,isdaba-marin ka dhalatay amar degmadaasi ay ku soo rogtay guryaha oo ku aadan warqad diiwaangelin ah oo guri kasta la sheegay in lagaga qaadaayey lacag sharci darro ah, Tallaabadaasi ay ku dhaqaaqeen maamulka degmada Shibis ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Shibis maadaama aysan ka warqabin ama la socon Maamulka Gobolka Banaadir oo xaq u lahaa in la ogeeysiiyo haddii lacag laga qaadaayo dadka dagan degmada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites