Sign in to follow this  
Deeq A.

Layaab: Somaliland Oo Dib U Fasaxday Nooc Ka Mid Ah Buuriga Afka Laga Qaato Oo Dunida Mamnuuc Ka Ah Oo Ay Hore U Joojisay In Dalka La Keeno!!

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa go’aan iska hor iyo daba imanaya oo diidmo iyo ogolaansho ah waxa ay marna ku mamnuucday in ay dalka soo gasho lagana ganacsado nooca Buuriga ah ee loo yaqaano Tobacco Oral Use (LTFT) oo ah nooc buuri ah oo afka laga qaato oo halis badan, in ay haddana mar kale soo saartay amar ogolaanaya in dadku ka ganacsado oo suuqyada lagu kala iibsado taasi oo walaac ku abuurtay dadka inta badan ka hadla dhibaatada daroogada iyo caafimaad darrada ka dhalata tukaabada ama buuriga. Gaar ahaan noocan buuriga ah oo la sheegay in laga qaado noocyada ugu khatarta badan Cudurka Kansarka.

I0000b5qcb9rKm5g.jpg?resize=696%2C464&ssTins with tobacco for oral use. From left the Swedish product General Snus. This product is not allowed within EU, except for Sweden. On the right Makla Ifrikia sold as a chewing tobacco, which is allowed in EU. There is no viewable difference between these two products. PHOTO: ERIK LUNTANG / INSPIRIT Photo

13-kii Bishan April, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku waxa ay mamnuucday in gabi ahaanba dalka la keeno lagana ganacsado noocan Buuriga ah ee laga qaato xididka am ala isku duro, iyada oo warqad mamnuucis ah oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha guud ee Wasaaraddan Md. Cabdiraxmaan Maxamed Muuxmed (Abdeeq) laguna socodsiiyay dhammaanba isu duwayaasha wasaaraddan, kastamada maaliyadda ee dalka iyo ciidanka ilaalada cashuuraha lagu sheegay in aan dalka lasoo galin Karin tukaabadaasi.

“Annaga oo tixraacayna dhammaan caddaymaha iyo waraaqaha caafimaadka ee ka soo baxay waddamada hoos ku qoran:

  1. Kenya – Tobacco Control Board of Kenya
  2. Austria – Directive 2001.37/EC Chapter 111 article 17
  3. Finland – Directive 2014/40/EU of the EPC 3 April 2014
  4. Sweden – Article 151 of the act Accession of Sweden

Dhammaan Caddaymahani waxay qeexayeen in tubaakada (Oral Use) ay tahay furaha Kansarka ku dhaca sambabada bani aadamka illaa xadna sababi karto heer dhimasho. Sidaa darteed wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku waxa ay laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13/042020 mamnuucday in aan tubaakada kor ku xusan soo gali Karin dalka JSL lagana ganacsan Karin sidoo kale waxaanu faraynaa hay’adaha arrintaasi khusayso in ay ka hawlgalaan joojinta tubaakadaas dalkana soo galin” sidaa waxa lagu yidhi qoraalka wasaaraddu hore ugu mamnuucday buurigaasi khatarta badan.

Balse Waxa haddaba arrin aad loola yaabo noqotay markii ay haddana wasaaraddu dorraad Sabtidii soo saartay qoraal kale oo ay ku fasaxayso ka ganacsiga iyo keenista buurigaasi halista badan ee ay hore u mamnuuceen waxaana qoraal uu isla agaasimaha guud ee wasaaraddani ku saxeexan yahay lagu yidhi: “Kadib markii aannu eegnay shahaadada ay sitaan mulkiilayaasha Tubaakada kor ku xusan oo hore Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku u xayirtay taasoo ay xaqiijisay caddayn baadhiseed oo ka soo baxday (Bat Tobacco Com Limited Product Nicotine of Kenya) shahaadadaas oo caddaysay in la is ticmaali karo tubaakada kor ku xusan. Sidaa darteed waxay wasaaraddu laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18/04/2020 fasaxday isticmaalka Tubaakada kor ku xusan”.

Isku soo duuboo buurigan ayay khubarada caafimaadku ka digaan waxaanu ka mid yahay noocyada ugu halis badan isticmaalka buuriga kaasoo la sheego in laga qaado noocyada ugu khatar badan kansarka gaar ahaan Kansarka haleela neef mareenka sida sanbabada.

Halkan Ka Eeg Labada Warqadood Ee Wasaaraddu Soo Saartay:

2.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 1.jpg?resize=695%2C951&ssl=1

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this