Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo ka sheeganaya xanuun mid ah oo aan la aqoon wuxuu yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – In badan oo ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya xanuuno aad ugu calaamado eg Covid-19, balse aan la xaqiijin waxa uu yahay, kaasi oo dad badan soo ritay.

Inkasta oo aysan jirin daraasad ama tira-koob ku aadan boqolkiiba dadka ka sheeganaya xanuunkaan, haddana waxaa dad badan ay kuu sheegayaan inay xanuunkan dareemayaan toddobaad illaa ugu badnaan 15 cisho sida ay noo sheegeen tobaneeyo dad oo aan la hadalnay, oo kasoo bogsaday.

Xanuunkan ayaa dadka uu haleelay waxay ku sheegeen Hargab xooggan balse malahan astaamihii hargabka, waxaana u wehliya calaamado kale oo ka mid ah

1 – Qandho saa’id ah
2 – Kor xanuun darran gaar ahaan, kala-goysyada, dhabarka iyo murqaha.
3 – Bukaanka oo raashinka ka go’a ama ay ku adkaato inuu qaato.
4 – Af-qaleel iyo urka ama carafta oo ka tagta
5 – Qufac iyo Hindhisyo aan badneen.

Dhamaan Calaamadahaan waa kuwa ay si isku mid ah u arkeen dadkii uu ku dhacay waxaana hadda la jiifa boqolaal kale. Dadka uu xanuunkaan soo ritay ayaa kaliya Isticmaala kaniini xanuun baabi’iye ah, Maraq iyo Shaah Sanjawiil leh, waxaana la sheegaa in ay ka bogsadeen dadkii uu haleelay.

Wali ma jirto dhaqtar ama Isbitaal xanuunkaan baaray balse waxay dadku sheegayaan in waxa haaya ay yihiin hargab mana ka muuqato astaamihii hargabka oo dhameystiran.

Sidoo kale xanuunkaan ayaa si safmar ah ugu dhaca qoysaskii uu haleelo qof kamid ah waxayna bulshada qaar muujinayaan walaac xoog leh oo arrintaan ku saabsan.

Wali wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kama aysan hadlin xanuunkaan u calaamadaha eg Covid-19 oo ku sii faafaya Muqdisho.

Bulshada qaar ayaa kuu sheegaya in xanuunkaan uu yahay Coronavirus islamarkaana uu Alle u fududeeyay shacabka Soomaaliyeed, balse lama xaqiijin karo.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliyeed ayaan lahayn awood ay maalinkii ku baarto boqolaal ama kumanaan qof, taasi oo dad badan ku keentay inay xanuunka la jiiftaan guryahooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this