Sign in to follow this  
Deeq A.

‘DF wa inaysan weerarka garoonka Aaden Cadde u arkin hoobiye la soo tuuray uun’

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-Shabaab dhowr jeer ayay hoobiyaal ku weerareen garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaallada Muqdisho. Qaar ka mid ah hoobiyayaashaas ayaa ku dhacay saldhigga Xalane oo garoonka ku dheggan. Weerarro kale oo gaadiid la qarxiyay loo adeegsaday, waxyeellana geystay ayaa sidoo kale lagu qaaday saldhigga Xalane iyo garoonka diyaaradaha.

Weerarrada lagu qaado garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa waa ay ka saammayn badanyihiin kuwa ay sida joogtada ah Al-Shabaab uga fuliyaan magaalada dhexdeeda. Inkastoo qasaaraha muuqda sida dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed ay ka sinnaan karaan, haddana marka ay garoonka diyaaradaha joogto weerarrada noocaan ah waxa ay bulshada iyo magaallada ku yeelan karaan saammayn taban oo intaas ka badan.

Marka koowaad, Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxa uu adeeg siiyaa Soomaalida ku nool magallada iyo gobollada, Waxa uu il dhaqaale u yahay dowladda. Sidoo kale, waxaa adeegsada hay’adaha gargaarka siiya dadkeenna, diblomaasiyiinta Soomaaliya fadhigoodu yahay iyo howl-galka AMISOM oo kaalin lixaad leh ku leh dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Sidoo kale, garoonku waxa uu waayadaan dambe soo jiidanayay indhaha caalamka, ayadoo diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadka ka billaabay ay kordheen.

Haddaba haddii aan wax laga qaban weerarrada ay Al-Shabaab ku qaadayaan garoonka iyo nawaaxigiisa waxa ay saammayn doontaa dhammaan howlaha garoonka ka socda. Waxaa istaagi doona duulimaadyada caalamiga ah marka hore, kuwa gudaha iyo gobolkana waa saammayn doontaa. Hay’adaha iyo safaaradaha fadhigoodu yahay Xalane ayaa guuri doona, ayadoo la ogyahay waqtiga ay qaadatay in lagu qanciyo in ay dalka soo dagaan. Howlaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo aasaas u ah howlaha dowlad-dhisidda ee dalka ka socdana waa ay saammayn doontaa, dalkeennana uma wanaagsana dhinac ammaan, dhinac bani’aadamnimo iyo dhinac ganacsi ba.

Sidaas darteed, Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa walaacan, aniga oo ku boorrinaya dowladda in aysan weerarka garoonka lagu qaadayo u arkin “Hoobiye la soo tuuray uun” ee ay dareento saammaynta taban ee dalkeenna ku yeelan karaan weerarrada lagu qaado goobaha muhiim ka ah. Dowladdu waa inay arrin qaran u aragtaa difaacidda garoonka diyaaradaha iyo xerada ay marti sharafta dalku deggan yihiin ee Xalane.

Ugu dambeyn, Al-Shabaab waa dabeecad lagu yaqaan in ay isku dayaan in ay bulshada gaarsiiyaan nabarba midka uu ka xanuun badan yahay, lagama filayo wax aan dil, qaxin iyo burburin ahayn. Yaan laga yeelin in ay u suurto gasho arrintaasi ee xoogga iyo dhaqaalaha la haysto ha la isugu geeyo ka hortagga iyo la dagaallidda kooxdaan duulaanka ku ah wax kasta oo diinteenna iyo dhaqankeennu xarrimeen in lagu xadgudbo.

Qofkasta oo ka warqaba dhibka laga soo maray dib u furitaanka garoonka Aaden Cadde burburkii kadib wuu ka welwelayaa in garoonka wax soo gaaraan dhaawici kara sumcadiisa iyo haykalkiisa shaqo.

Daahir Maxamuud Geelle – Waa wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this