Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Koofur Galbeed oo mudda kordhin u sameeyay Madaxweyne Laftagareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa muddo kordhin hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Cod u qaadista muddo kordhin loogu sameynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

87 Xildhibaan oo Maanta kulanka soo xaadirtay ayaa Cod gacan taag ah muddo kordhin hal sano ah ugu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen oo xil-hayntiisu ku e kayd 2024.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa mudadii la doortay waxaa kasoo wareegtay Muddo dhan 2-sano waxaana haatan la is waafajiyey Mudda xileedka Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas iyo Madaxweynaha.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Koofur Galbeed oo mudda kordhin u sameeyay Madaxweyne Laftagareen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this