Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: QM oo gaadiid ciidan ku wareejisay DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka adeegyada mashaariicda Soomaaliya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNOPS ayaa 12 gaadiid ah kuwa ammaanka ah ku wareejisay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

QM ayaa sheegtay in gaadiidka ay ku wareejiyeen Booliska Soomaaliyeed loogu tala galay in lagu xoojiyo ammaanka baraha koontarool ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidkaasi ayaa waxaa UNOPS kala wareegay ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda amniga, Mudane Axmed Cabdi Kooshin.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay kala wareegay gaadiidkaan ayaa waxaa ka mid ah agaasimaha gaadiidka ee Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Cabdulaahi Dabshid.

Mas’uuliyiintii ka socday wasaaradda amniga iyo Booliiska ee la wareegay gaadiidka ayaa QM uga mahadceliyey deeqda ay soo gaarsiiyeen.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageerto dhinacyada siyaasadda, arrimaha bani’aadanimada iyo ammaanka.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:-

02 03 01

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this