Deeq A. Posted April 20, 2020 Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay in sababta dib loogu dhigay tahay ka hortagga faafitaanka Covid-19. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo qorshuhu ahaa inuu maanta furmo kal-fadhiga 7-aad ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Halkaan hoose ka aqriso: oon View the full article Share this post Link to post Share on other sites