Deeq A. Posted April 20, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Sanaaga ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda deegaanka Fadhigaab oo ay shalay ku dagaalameen labo beelood. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay haatan socdaan dadaallo nabadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in labada beelood oo walaalo ah ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Dagaalkii u dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 5 qof oo isugu jiray dhinacyada diriraya iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites