Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii degmada Shibis

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii maamulka degmada Shibis, Cabdiraxmaan Sayid Cali.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey Telefishinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale xabsiga la dhigay mas’uulkaasi, islamarkaana loo heysto musuq-maasuq.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu haatan Cabdiraxmaan Sayid Cali ku xiran yahay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, islamarkaana lagu hayo baaris.

Ma’ahan mas’uulkii ugu horreeyey ee ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo loo xero eedeymo la xaruura wax is-daba marin ama musuq-maasuq.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this