Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xildhibaanada K/Galbeed oo muddo kordhin u sameeyey Lafta Gareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa ka dooday mooshin muddo kordhin loogu sameynayey madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), si la’isku waafajiyo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen illaa 87 Mudane ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen mooshinkaasi, iyaga ogolaaday in muddo 1-sano ah loogu daro madaxweynaha.

Arrintaan ayaa ka dhigeysa in xilheynta madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamanka la’isla ekeysiiyey, islamarkaana ay ku eg-tahay sanakda 2024-ka.

Tallaabada ay qaadeen xildhibaanada labaad ee Koonfur Galbeed ayaa fursad cusub siineysa Madaxweyne Lafta Gareen oo haatan xafiiska jooga sanad iyo dhowr bilood.

94206976_151199296414079_757287885017920 94616194_151199366414072_516911211133009 93588168_151199326414076_913823092016624

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this