Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka labada Aqal oo dib u dhigay furitaanka Kal-fadhiga 7aad ee baarlamaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdixaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyey in dib loo dhigay Kal-fadhiga 7-aad ee labadaasi gole.

Warqad ay si wadajir ah u soo saareen labada guddoomiye ayaa waxaa lagu sheegay inay qaateen go’aankaasi, si loo ilaaliyo bad-qabka xildhibaanada iyo senatorada.

Sidoo kale labada guddoomiye oo haatan ku xayiran dalka Turkiga ayaa qoraalkooda waxay ku shaaciyeen in markii ay xaalada caadi ku soo noqoto la furi doono kulamada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kal-fadhiga 7-aad ee labada gole ayaa waxaa lagu waday in la furo 20-ka bishaan April ee sanadkaan 2020-ka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla.

Dib u dhac ku yimid furitaanka fadhiyada labada aqal ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo xileedka baarlamaanka uu gabagabo yahay, si loo aado doorashada 2020/201-ka

Halkaan hoose ka aqriso:-

labo-aq.jpg2-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this