Deeq A. Posted April 20, 2020 Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Guutada 16-aad Ururka 5-naad Ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal Ka fuliyay tuulooyinka Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo qayaastii 50 (KM) dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkaasi ciidamadu khasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay la wareegeen Cabdi Dhoore iyo beerxaani, islamarkaana ay soo dhoweeyeen dadka shacabka ah. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Danab ay fariisimo cusub ka sameysteen tuulooyinkaasi oo hoostaga gobolka Jubbada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites