Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo weli kulamo xasaasi ah ka wadan KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo weli ku sugan Kenya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Nairobi ayaa kulamo ka wada gudaha magaaladaasi.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa wuxuu Madaxweynuhu la qaatay xubno ka mid ah beesha caalamka, isagoo kala hadlay qodobo quseeya xaaladda dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Axmed Madoobe ayaa xubnaha beesha caalamka ee uu la kulmay kala hadlay doorashada 2020/2021-ka, amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa kulamadaan lagu soo qaaday sidii ay beesha caalamka Jubbaland uga taageeri laheyd ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirus.

Axmed Madoobe oo in muddo ah ku sugan gudaha dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan iyo madax ka tirsan dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu heshiis horudhac ah Nairobi kula gaaray xubnaha mucaaradka ku ah maamulkiisa ee Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seerar, kadib gogol ay u dhigtay Kenya.

Arrimahaan ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeyey dowladda goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka soo bilowday doorashadii muranka dhalisay ee lagu qabtay magaalalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this