Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixintii u dambaysay Xanuunka COVID-19 ee dunida oo dhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19, ee uu sababay Viruska Corona, ayaa kor u dhaaftay 2,320,456 milyan adduunka oo dhan.

Xanuunkaas waxaa dhintay in ka badan 160,000, waxaana  ka caafimaaday 600,000 caalamka oo dhan, sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen Jaamacadda Johns Hopkins iyo mareegta World Meter oo labaduba ku takhasustay la-socodka xanuunka COVID-19.

Dalka Mareykanka ayaa ugu horeeya liisaska dalalka ugu badan ee cudurka Corona uu ku faafay, wuxuuna ku dilay in ka badan 60,000 oo qof, Talyaaniga ayaa isaguna galay kaalinta labaad, waxaana xanuunka ugu dhintay 23,227, Spain oo gashay kaalinta saddexaad waxaa Corona ku laayay 20,639 kaalinta afaraad waxaa ku jira dalka Faransiiska oo cudurka dhibaateeyey 19,323 sidoo kale kaalinta shanaad waxaa joogta Dawldda Britain isagoo laayay 15,464.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa dhowaan sheegtay inay tijaabo ku jiraan saddex tallaaal oo la damacsan yahay in lagu soo afjaro faafitaanka iyo khatarta Crona Virus, valse arrintaasi ilaa hadda ma aha mid si rasmi ah loo ogaan karo.

PUNTLAND POST

The post Warbixintii u dambaysay Xanuunka COVID-19 ee dunida oo dhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this