Deeq A. Posted April 20, 2020 Nova Scotia (Caasimada Online) – Nin hubeysan oo mar isku soo ekeysiiyey boolis ayaa ugu yaraan 16 qof ku dilay gooblka Nova Scotia ee dalka Canada, halkaasi oo uu ka fuliyey weerar socday 12 saac. Weerarkan oo lasoo geba-gebeeyey xilli dambe oo Axaddii ahayd ayaa ahaa toogasho wadareedkii ugu xumeyd ee soo marta taariikhda Canada. Dhibanayaasha toogashadan, oo ka dhacday qeybo kala duwan oo gobolka ka mid ah, ayaa waxaa ku jiray sarkaal boolis oo lagu magacaabay Heidi Stevenson, oo 23 sano ka tirsaneyd booliska, ahaydna hooyada laba caruur. Booliska Royal Canadian Mounted Police (RCMP) ayaa sheegay in weerarka uu fuliyey 51 jir dentist ah oo lagu magacaabay Gabriel Wortman. Booliska waxay intaas ku dareen in weerarka lasoo geba gebeeeyey markii uu geeriyooday Wortman, hase yeeshee ma aysan xaqiijin muuqaallo kaamirada qarsoon ee CCTV laga arkay oo muujinayey inay toogteen. Wortman ayaa toogashada ka fuliyey dhowr goobood oo kala duwan oo ka tirsan gobolka Nova Scotia, sida ay sheegeen booliska. Madaxa booliska RCMP, Brenda Lucki ayaa taleefishinka CBC u sheegtay in ugu yaraan 16 qof, iyo ninka weerarka fuliyey ay geeriyoodeen. Waxay intaas ku dartay inaysan jirin wax astaamo ah oo muujinaya in weerarka uu ahaa mid argagixiso. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inaysan muuqan wax xiriir ah oo ka dhaxeeyey Wortman iyo qaar ka mid ah dhibanayaashiisa. Waxay intaas ku dareen inaysan wax fikrad ah ka haysan waxa ku dhiiri-geliyey inuu weerarka fuliyo. Dhimashadan ayaa ka badan xasuuqi Montreal ee dhacay 1989-kii, markaasi oo nin hubeysan uu dilay 15 qof. Toogasho wadareedyada ayaa wax naadir ah ka ah dalka Canada, oo leh shuruuc lagu xakameeyo hubka, oo aad uga adag tan Mareykanka. Wortman ayaa weerarka soo billaabay xilli dambe oo sabtidii aheyd, wuxuuna waday 12 saac oo xiriir ah, ka hor inta aan lagu dilin magaalo xabeedka Partapique oo 130 km waqooyi kaga beegan magaalada caasimad goboleedka ah ee Halifax. Share this post Link to post Share on other sites