Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo ballan-qaad cusub u sameeyey maamul goboleedyada kana codsaday hal mid

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hor tagga xanuunka COVID-19, ayaa maamul goboleedyada u balanqaaday wada shaqeyn buuxda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka sheegay in dalku uu maanta ku jiro xaalad adag, isla markaana wixii kala aragti duwanaasho ah aysan saameyn ku yeelan dadaallada looga hortegayo Coronavirus.

“Xilli adag ayaan ku jirnaa, maanta waa xilligii qof kasta oo naga mid ah uu dadaal kasta bixin lahaa, waxa walba oo kala aragti duwanaan ah oo noo dhaxeeya, waa in aysan naga hor istaagin badbaadinta dadkeena, DF waad ku tashanaysaan, gaar ahaan xaafiiskeyga 100% waxaa uga tashaneysaa wada shaqeyn buuxda, wasiirka caafimaadka Fowsiyana waxay idiin qirtay in sifiican aad ula shaqeysaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay diiradda lagu saaray dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta uu bulshada ku yeelan karo cudurka Coronavirus.

Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada dalka u qaabilsan ka hor tagga xanuunka COVID-19, ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee deegaanada dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulankaas ka sheegay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, waxuuna ka dalbaday hoggaankii guddiyada Corona ee kulanka ka qeyb galay in wadajir loo wajaho, lana laba jibaaro dadaallada lagu xakameynayo cudurkan.

Dowladda Federaalka ayaa maanta Muqdisho ka hir-gelisay xarunta dhexe ee xiriirka oo laga hagi doono, talooyina laga siinayo dadka uu soo rito xanuunka COVID-19 iyo kuwa iskaga shakisan ee u baahan in ay is-baaraan.

Xaruntaas ayaa la sheegay in si casri ah loo diyaariyay, waxay ka jawaabeysaa dhammaan wicitaannada teleefanka gaaban ee u gaarka ah Coronavirus ee 449,  waxayna bukaanada ku xiri doontaa qeybaha kala duwan ee la tacaala cudurkan.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteedii caawa ku shaacisay kiisas cusub oo hor leh. Kuwaas oo gaaraya 29-kiis, waxaana faahfaahinta lagu sheegay in 21-qof oo ka mid ah 29-kaas qof ee maanta laga helay cudurka ay lab yihiin ama rag, halka sideeda kalena ay dumar yihiin.

Sidoo kale deegaanada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta laga soo weriyay mid hal kiis oo Coronavirus ah, waxuuna Puntland u noqonayaa kiiskii ugu horeeyay ee laga diiwaan geliyay deegaanadeeda, halka Somaliland uu u noqonayo kiiskii lixaad ee dadka laga helay COVID-19.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this