Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay hirgelinayso Shaybaarka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 u qaabilsan Puntland ayaa Caawa shaaciyay in maanta oo keliya gudaha Puntland lagu karantiilay shan ruux oo looga shakiyay cudurka Coronavirus.

Warbixin ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in shanta ruux ee karantiilan lagu samayn doono baaritaan dibadda loo qaadayo islamarkaana natiijadiisa laga war-sugi doono si loo xaqiijiyo in ay xanuunka qabaan iyo in kale.

Sidoo kale guddigu waxay sheegeen in ay maanta booqdeen xarun laga hirgelinayo Shaybaar guud oo Puntland yeelanayso kaasi oo lagu baari doono xanuunno uu kamid yahay COVID-19

Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu  xaqiijiyay in bukaankii ugu horreeyay ee qaba xanuunka Coronavirus laga helay gudaha Puntland kaas oo aan dhowaan wax safar ah gelin.

Bukaanka laga helay xanuunka ayaa ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland halkaas oo uu haatan ku karantiilanyahay.

Qoraalka-Maanta.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay hirgelinayso Shaybaarka COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this