Deeq A. Posted April 19, 2020 Muqdisho (SMN) – Dhowr madfac ayaa laga maqlay xaafadaha ku teedsan xeradda Xalane oo fariisin u ah diblumaasiyiinta iyo howlgalka AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha saldhiga, wallow aanan la caddeyn karin khasaaraha guud. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab. Tirro dhowr jeer ah oo weeraro noocaan ah loogu ekeeyay Xalane waxaa ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites