Deeq A. Posted April 19, 2020 Garowe (SMN) – Guddiga Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ayaa xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo cudurkaas ah. Bukaanka ayaa lagu sheegay muwaadin kamid ah laba qof oo dhowaan laga baarey xanuunkaas safmareenka ah. Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay guddigaas, ruuxa kale ayaa waxaa laga waayey fayruska dilaaga ah. Dhanka kale, guddiga ayaa sheegay in maanta ay karantiileen shan qof oo lagu tuhmay xanuunka, kuwaas oo la baari doono. Ugu dambeyntii, dadweynaha ayay ugu baaqeen in ay muujiyaan taxadar dheeraad ah kana fogaadaan meelaha bulshadda ku kulanto. View the full article Share this post Link to post Share on other sites