Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qaraxyo loo maleynayo hoobiyeyaal oo laga maqlay garoonka Aadan Cadde iyo Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhaweyd laga maqlay jugta madaafiic culus oo loo maleynayo inay yihiin hoobiyeyaal kusoo dhacay.

Dad ka ag dhaw garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqleen illaa afar jug oo aad u culus, kuwaas oo laga maqlay aagga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo xarunta Xalane oo ku dhaw garoonka.

Si rasmi ah looma oga halka ay ku dhaceen madaafiicdaas, halka laga soo riday iyo cidda soo riday toona, balse madaafiicda ayaa ahaa illaa saddex wareeg oo midkiiba dhowr madfac uu ahaa.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore xarunta Xalane ku weeraray madaafiic ay u adeegsadeen qoriga loo yaqaano hoobiyaha.

Sidoo kale illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas madaafiicda ah ee laga maqlay aaga Aadan Cadde iyo Xalane.

Xarunta Xalane ayaa fadhi u ah hey’ado caalami ah oo ay ugu horeeeyaan kuwa Qaramada Midoobey iyo sidoo kale safaarado dhowr ah, waxaana ammaankeeda suga xaruntaas ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa mararka qaar beegsada, inkasta oo aysan weli ka hadlin weerarka caawa oo isagu goor dhow dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this