Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi Laga Qabo Webiga Shabeelle Inuu Ku Fataho Magaalada Jowhar iyo Ka Hortag Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaraadda Beeraha iyo waraabka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo kaashaneysa Bulshada Jowhar ayaa dib u dayactir  ka billowday goobo looga cabsi qabo inuu fatahaad  ka sameeyo Wabiga Shabeelle, maaddaama xiligaan lagu guda jiro waqtiga Roobka Guga.

Wasiirka Beeraha ee Hirshabeelle, Cali Xaji Isgoowe ayaa Shacabka  Hirshabeelle ee u badan Beeralayda ugu baaqay inay si iskood ah uga qeyb qaataan Carratuurka lagu sameynayo goobaha Webiga uu ka jilicsanyahay si looga hortago fatahaad waxyeello gaarsiisa dalagyadooda.

Beeraleyda degaannada Hirshabeelle ayaa xilligan ku howlan waxsoosaarka dalagyada noocyadooda kala duwan, ka dib fatahaaddii Webiga Shabeelle oo dib u dhigtay Beerahii ay tacban jireen.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this